Barakacayaasha Deegaanka Buula-gaduud oo codsi u dirsaday Dowlad Goboleedka Jubbaland

0
365

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Buulo-gaduud waxaa ay ka mid tahay deegaanada  kaga beegan  dhinaca waqooyi Magaalada Kismaayo,deegaanka ayaa waxaa dhawaan la soo dajiyey barkacayaal laga keenay deegaanada hoos taga degmoyinka magaalada kismaayo.

Dadka barakacaayasha ah  ayaa waxaa ay ka kooban yihiin ku dhawaad 221 qoys oo ay ku nool yihiin guryo ka sameeysan cooshado iyo baco aan celin Karin Qoraxda iyo dabeeyalaha, taasoo ay u sii dheertahay in ay ku yartahay cunada iyo adeegyada asasiga u ah nolosha.

Qaar ka mid ah barakacayaasha ku nool deegaanka  Buulo-gaduud oo la hadlay Idacaadda Waamo ayaa codsi u dirsadeen  Dowlad Goboleedka Jubbland iyo hay’adaha ka shaqeeya in gargaar beni’aadanimo ay u  fidiyaan.

Cabdinuur Sabriye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here