Taariikh :- Scott McTominay oo Isku Qoray Taariikhda Horyaalka Premier League.

0
279

Man United-(Idaacadda Waamo)-Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Scott McTominay ayaa wacdaro dhigay kulankii ay kooxdiisu guusha weyn ka gaartay kooxda Leeds United.

Xiddiga dhalasho ahaan kasoo jeedoo wadanka Scotland ayaa ku bilowday shaxda kooxda Man United kadibna wacdaro dhigay isaga oo kooxdiisa u dhaliyay 2 gool oo ka mid ah 6-dii ay kooxdiisu ku badisay.

Kadib Labadaas gool xiddiga Scott McTominay ayaa isku qoray taariikhda horyaalka premier League waliba baal dahab ah ka galay taariikhda tartanka.

Xiddiga Scott McTominay ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee taariikhda Premier League dhaliyay 2 gool 3-da daqiiqo ee ugu horaysa kulan horyaalka ah.

Scott McTominay ayaana kulankii xalay ku guuleystay xidigii ugu fiicnaa Garoonka maadaama uu labo gool ku dhaliyey 3 daqiiqo oo kaliya.

Image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here