Real Madrid oo garoonkeeda Alfredo Di Stefano guul kaga gaartay kooxda Athletic Bilbao

0
248

Madrid(Idaacadda Waamo)-Real Madrid ayaa garoonkeeda Alfredo Di Stefano guul kaga gaartay kooxda Athletic Bilbao, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-1, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Real Madrid.

Daqiiqadii 45-aad kooxda Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu 1-0 ka dhigay xiddigooda reer Germany ee Toni Kroos, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Vinicius Junior.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 52-aad kooxda Athletic Bilbao ayaa heshay goolka barbardhac, waxaana ciyaarta 1-1 ka dhigay xiddigooda Ander Capa.

Laakiin 74 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Real Madrid ayaa markale hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 2-1 ka dhigay Karim Benzema, xilli Daniel Carvajal uu caawiyay goolkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here