Barcelona oo garoonkeeda Camp Nou guul kaga gaartay kooxda Levante

0
222

Barcelona(Idaacadda Waamo)-Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou guul kaga gaartay kooxda Levante, kaddib markii ay kaga adkaatay 1-0, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybya hore ee dheeha ayaa lagu kala nastay barbardhac 0-0 ah ay isku mari waayeen labada kooxood Barcelona iyo Levante.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 76-aad kooxda Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, waxaana 1-0 ka dhigay Lionel Messi, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay Frenkie de Jong.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1-0 ay Barcelona kaga adkaatay kooxda Levante oo marti ugu aheyd garoonka Camp Nou.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here