Berbatov oo si dadban ugu booriyay Pogba inuu ka tago Man United

0
269

Manchester(Idaacadda Waamo)-Weeraryahankii hore kooxda Manchester United ee Dimitar Berbatov, ayaa si dadban ugu booriyay Paul Pogba inuu ku biiro kooxda reer Spain ee Real Madrid.

Pogba ayaa ku dhow inuu ka tago safka Manchester United kaddib hadaladii ugu dambeeyay uu sheegay wakiilkiisa Mino Raiola, ee ku aadanaa in ciyaaryahanka reer France uu ka tagayo safka Red Devils dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wargyska “AS” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Dimitar Berbatov, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waxaan la jeclaan lahaa Pogba waxa ugu fiican, waxaan rabaa in aan arko isaga oo ku soo noqonaya heerkiisii ​​ugu fiicnaa, sababtoo ah waa wiil wanaagsan.”

“Miyeey ku biirista Real Madrid xal u tahay isaga? Waxaa laga yaabaa in la shaqeynta Zidane ay noqon doonto fursad uu dib ugu bilaabi karo heerkiisii fiicnaa.”

“Waan hubaa in Pogba uu heshiis layaableh u noqon doono Real Madrid, sababtoo ah Zidane wuxuu ka ciyaari jiray booskaas, isla markaana wuxuu ahaa kan ugu fiican ee booskaas, way ka wada hadli karaan inay abuuraan isku xirnaan qaas ah.”

“Zidane sidoo kale waa Faransiis, arintana way caawineysaa, waa faahfaahin fudud, laakiin Zidane wuxuu horay ugu noolaa xaalada Pogba waxaana laga yaabaa inuu ka caawiyo inuu noqdo ciyaaryahanka qadka dhexe ee ugu fiican adduunka.”

“Haddii Pogba aanu runtii ku faraxsanayn kooxda, isla markaana haddii uu sii wado inuu ka fogaado safka kooxda, waxaan qabaa in waxa isaga u fiican ay tahay inuu ka tago Manchester United.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here