Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Mushruucaan Indho fiiqiista ah oo socon doono muddo saddax Isbuuc ah oo ay ka faa’iideysan doonaan ku dhawaad 1,800 oo qof ayaa waxaa loo sameeyn doonaa indho fiiqid aragti sixid iyo daaweyn lacag la’aan ah.
Mashruucaan indho fiiqista ah ayaa loo sameeyn doonaa dadka danyarta ah,waxaana mashruucaan iska kashanaayo fulintiisa Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland iyo qaar ka mid ah Hay’adaha Wasaaradda kala shaqeeya dhinaca hormarinta Adeegyada Caafimaadka Deegaanka.
Iidle Aadan Dagane ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.