Tottenham oo dib ula wareegtay hoggaanka Premier League

0
254

London(Idaacadda Waamo)-Tottenham ayaa dib ula wareegtay hoggaanka Premier League, kaddib markii ay kaga adkaatay kooxda Arsenal 2-0, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Ingiriiska.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hoggaaminaysay kooxda martida loo ahaa ee Tottenham Hotspur.

Daqiiqadii 13-aad kooxda Tottenham Hotspur ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Heung-Min Son oo dhaliyay gool cajiib ah oo u tartami kara goolka bisha ama xitaa sanadka, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Harry Kane.

45 daqiiqo Tottenham Hotspur ayaa dhalisay goolkeedii labaad ee ciyaarta, kaddib markii uu 2-0 ka dhigay Harry Kane oo noqday xiddiga ugu goolasha badan kulanka Waqooyi London, xilli uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Heung-Min Son.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 2-0 ay kaga adkaatay Tottenham Hotspur, kooxda Arsenal oo marti ugu aheyd garoonka Tottenham Hotspur, Spurs ayaana dib ula wareegtay hoggaanka horyaalka Premier LeagueTottenham ayaa dib ula wareegtay hoggaanka Premier League, kaddib markii ay kaga adkaatay kooxda Arsenal 2-0 kulan qeyb ka ahaa horyaalka Ingiriiska.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hoggaaminaysay kooxda martida loo ahaa ee Tottenham Hotspur.

Daqiiqadii 13-aad kooxda Tottenham Hotspur ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Heung-Min Son oo dhaliyay gool cajiib ah oo u tartami kara goolka bisha ama xitaa sanadka, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Harry Kane.

45 daqiiqo Tottenham Hotspur ayaa dhalisay goolkeedii labaad ee ciyaarta, kaddib markii uu 2-0 ka dhigay Harry Kane oo noqday xiddiga ugu goolasha badan kulanka Waqooyi London, xilli uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Heung-Min Son.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 2-0 ay kaga adkaatay Tottenham Hotspur, kooxda Arsenal oo marti ugu aheyd garoonka Tottenham Hotspur, Spurs ayaana dib ula wareegtay hoggaanka horyaalka Premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here