Hordhaca kulanka Liverpool vs Wolves

0
258

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Markii ugu horreysay tan iyo markii loo caleemo saaray horyaalnimada, Kooxda Liverpool ayaa ka hor ciyaari doonta taageerayaasheeda, iyadoo 2,000 oo taageerayaal ah ay ku laaban doonaan garoonka Anfield, halkaasoo ay caawa booqanayso Wolverhampton Wanderers.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa haatan fadhisa kaalinta saddexaad ee kala sarreynta Premier League, inkastoo ay dhibcaha la wadaagaan Tottenham oo caawa qaabilaysa Arsenal, taasoo fadhisa kaalinta labaad.

Dhinaca kale Kooxda Wolves ayaa fadhisa kaalinta 10-aad, laakiin waxa ay hal dhibic u soo jirsan karaan kooxda ay ka horjeedaan ee Reds haddii ay guul ka gaaraan.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Taariikhda: Axad 06 Dis 2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 10:15 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Anfield

Garsooraha: Craig Pawson (England)

Wararka Kooxaha:-

Goolhayaha kooxda Liverpool ee Allison Becker ayaa maqnaan kara ilaa bartamaha bishan December, maadaama uu qabo dhaawac muruqa ah kaasoo kalifay inuu seego kulankii Talaadadii tartammada Yurub ay guusha kaga gaareen Ajax.

Trent Alexander-Arnold iyo Naby Keita ayaa dib ugu soo laabtay tababarka buuxa ee jimcihii, waxayna loollan ugu jiraan inay ciyaaraan.

Wolves waxaa ka maqan weeraryahankooda Raul Jimenez, kaasoo ka soo kabanaya qalliin looga sameeyay madaxa.

Romain Saiss ayaa laga yaabaa inuu ciyaaro, isagoo ku soo laabtay tababarka isbuucaan kaddib muddo uu go’doomin ku jiray.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

Fool Ka Fool

Liverpool ayaa guuleysatay todobo kulan oo isku xiga Premier League oo ay wajaheen Wolves, iyadoo wadar ahaan ku badisay goolal dhan 15-2.

Wolves ayaa dhalisay kaliya afar gool, waxayna heshay hal guul, guud ahaan 12 kulan oo Premier League ah oo ay wajaheen Reds.

Si kastaba ha noqotee, Wolves waxay garaaceen Liverpool labo jeer intii uu joogay Tababare Jurgen Klopp – labadaba waxay ahaayeen FA Cup.

Liverpool

Reds ayaan laga badinin lixdii kulan ee ugu dambeeyay Premier League, saddex barbaro ayay gashay, saddexna waa ay badisay.

Liverpool haatan garoonkeeda ay ku ciyaareyso 64 kulan guul darro la’aan waa tii labaad ee ugu dheereyd taariikhda horyaalka heerka koowaad ee Ingiriiska.

Waxaa laga badiyay afar kulan oo Premier League ah sanadka 2020, waana in la mid ah inta laga adkaaday isku dar intii laga badiyey 2018 iyo 2019.

Liverpool waa kooxda kaliya ee goolal dhalisay dhammaan kulamadii ay ciyaartay Premier League xilli ciyaareedkan.

Diogo Jota ayaa kula biiri kara Stephen Hunt inuu yahay ciyaaryahanka kaliya ee gool u dhaliyay kana dhaliya Wolves horyaalka Premier League.

Jota ayaa noqon kara ciyaartoygii afraad ee gool dhaliya mid kasta oo ka mid ah shantiisii kulan ee ugu horreysay Premier League ee koox lagu ciyaaro, isagoo ku biiraya Alan Shearer, Les Ferdinand iyo Jermain Defoe.

Wolverhampton Wanderers

Wolves ayaa kaliya laga badiyay hal kulan oo ka mid ah todobadii kulan ee ugu dambeysay ee ay ciyaartay Premier League, waxaana ay haysataa afar guul iyo labo barbaro.

Waxay shabaqooda gool ka ilaashan karaan 13 kulan oo Premier League-ga ah sanadka 2020.

Wolves ayaa noqon karta kaliya kooxdii saddexaad ee ebid guul ka gaarto kooxda difaacaneysa Premier League xilli ciyaareedyo xiriir ah.

Waxay raadinayaan inay soo qaadaan guulo xiriir ah kulammada bannaanka markii ugu horreysay tan iyo bishii June.

Pedro Neto ayaa dhaliyay saddex gool 10 kulan oo uu saftay Premier League xilli ciyaareedkan, waana in la mid ah intii uu sameeyey 29 kulan oo tartankan ah xilli ciyaareedkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here