Madaxweynaha DFS oo ka qaybgalay kulan looga hadlayay aagga Ganacsiga xorta ah ee Afrika

0
244

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka internetka uga qeyb galay Meertada 13-aad ee Shirka Midowga Afrika oo looga hadlayay Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayay Shirka ayaa tilmaamay in tallaabo wanaagsan loo qaaday xaqiijinta hiigsiga Afrika ee mideynta ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaale, taas oo xoojinaysa nabadgelyada, xasilloonida iyo mustaqbalka Afika.

Madaxweyne Farmaajo ayaa bogaadiyay dadaallada madaxda Qaaradda Afrika ay ku bixinayaan ka miro dhalinta qorshaha Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika, waxa uuna muujiyey muhiimadda ay leedahay in loo midoobo horumarinta dhaqaalaha Afrika iyo hirgelinta qorshaha ganacsiga xorta ah.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa ugu mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Niger Mahamadou Issoufo oo hoggaaminaya ololaha hirgelinta Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here