Deportivo Alaves oo guul ka soo heshay kooxda Real Madrid oo ay ku booqatay garoonka Alfredo Di Stefano

0
374

Madrid(Idaacadda Waamo)-Deportivo Alaves ayaa guul ka soo heshay kooxda Real Madrid oo ay ku booqatay garoonka Alfredo Di Stefano, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga.

Qeybbtii hore ee dheesha ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Deportivo Alaves.

Daqiiqadii 5-aad ee bilawgii ciyaartaba kooxda Deportivo Alaves ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay Lucas Perez, dheesha ayaana sidaas ku noqotay 0-1 ay ku hoggaamineysay Alaves.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 49-aad Deportivo Alaves ayaa la timid gool labaad waxaana ciyaarta 0-2 ka dhigay Joselu, kaddib markii uu ka faa’ideystay qalad uu sameeyay goolhaaye Thibaut Courtois.

86 daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd kooxda Real Madrid ayaa la timid gool, waxaana 1-2 ka dhigay ciyaarta xiddiga reer Brazil ee Casemiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here