Diego Maradona Oo Geeriyooday Isaga oo Jira Da`da 60 Sano.

0
328

Kismaayo(Idaacadda Waamo)- Halyeeyga Dhalasha ahaan kasoo jeedo xulka qaranka Argentine ee Diego Maradona ayaa Geeriyoodey Isaga oo jira 60 Sano kadib markii uu wadnuhu Istaagay isaga oo ku jira isbitaal ku yaala dalkiisa Argentine.

Halyeeyga kubada cagta ee Diego Maradona ayaa ka soo kabsanayay qaliin looga sameeyay madaxa kadib markii uu madaxa dhiig uga furmay.

Halyeeyga Diego Maradona ayaa u soo ciyaaray kooxaha kala ah , Argentinos Juniors, Boca Juniors, Barceona, Napoli, Sevilla Iyo Newell’s Old Boys.

Maradona ayaa ku guulaystay 10 Koob  oo kala duwan wuxuu kula guulaystay kooxihii uu usoo ciyaaray iyo waliba xulka qarankiisa Argentine.

Sidoo kale Maradona ayaa ku guulaystay ilaa 9 abaalmarino shaqsi ah hadii ay noqoto gool dhalinta horyaalada kale duwan iyo abaalmarinaha kale ee shaqsiga ah.

Diego Maradona dead: Argentine football legend dies aged 60 | Metro News

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here