Ra’isul wasaaraha dalka oo xaflad sagootin ah loogu qabtay magaalada Baydhabo

0
255

Baydhabo(Idaacadda Waamo)-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS),mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay xaflad isugu jirtay casho sharaf iyo sagootin oo loogu sameeyay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koofur Galbeed.

Xafladda oo madaxweynaha Koofur galbeed mudane, C/casiis Xasan Maxamed Lafta gareen uu u qabtay ra’iisul wasaaraha iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa aheyd mid lagu maamuusayay waxaana kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan KGS iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane, Maxamed Xuseen Rooble ayaa madaxda Koofur galbeed iyo shacabkooda uga mahadceliyay sida ay u maamuuseen isaga iyo wafdigiisa mudadi ay joogeen magaalada Baydhabo.

Ra’iisul wasaare Rooble oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Baydhabo ayaa dhagax dhigay goobo muhiim u ah bulshada isagoo kulamo kala duwana la qaatay bulshada magaalada Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here