C. Ronaldo oo Ku Dhaw Rikoor Taariikhi ah oo Kubada Cagta Ah

0
330

Italia (Idaacadda Waamo)-Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa ku sii dhawaanaya rikoorka Pele ee xiddiga ugu goolasha badan taariikhda kubada cagta kadib labadii gool ee uu ka dhaliyay kooxda Cagliari.

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa noqday xiddiga 2-aad ee ugu goolasha badan taariikhda kubada cagta kadib labadii gool ee uu dhaliyay kulankii Cagliari.

Xiddiga Critsiano ayaa dhaliyay 102 gool oo xulka Portugal ah halka uu labadii gool ee uu ka dhaliyay kooxda Cagliari noqday goolkii 646-aad ee waayihiisa ciyaareed.

Guud ahaan Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay 748 gool kadib 1,024 kulan oo uu ciyaaray isaga oo 856 kulan u ciyaaray kooxaha halka uu xulka u ciyaaray 168 kulan.

Ronaldo oo 35 jir ah ayaa haatan ku dhaw in uu jabiyo rikoodhka goolasha ee Pele oo dhan 767 gool marka loo eego in uu Ronaldo doonayo in uu sii ciyaaro ilaa dhamaadka 30 jirkiisa.

Ronaldo oo 35 jir ayaa usoo ciyaaray ilaa dhoor kooxood oo kala duwan wuxuu kasoo ciyaaray sida horyaalada kala ah horyaalka Portugal ee dalkiisa , horyaalka England , Horyaalka Spain , iyo horyaalka Italia oo uu hadda ka ciyaaro xiddiga.

Ronaldo edged closer to Pele's record with a brace against Cagliari

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here