Mesut Ozil oo Magacaabay Shaxdiisa Shanta Xiddig Ee Baraha Bulshada.

0
249

Kismaayo(Idaacadda Waamo)- Xiddiga ku dhibaatoonaya kooxda Arsenal ee Mesut Ozil ayaa doortay shaxdiisa 5-ta xiddig ee ugu fiican isaga oo ku daray xiddiga Man United ee Marcus Rashford.

Xiddiga khadka dhexe ee Ozil ayaa laga reebay Liiska xiddigaha Arsenal ee Premier League iyo Europa League taas oo la macno ah in uuna wax kulan ah u ciyaari karin kooxda ilaa suuqa January.

Xiddiga reer Germany ayaa sidaas helay wakhti uu ku doorto shaxdiisa 5-ta xiddig ee ugu fiican isaga oo baraha bulshada ku soo bandhigay shaxdiisa

Ozil ayaa shaxdiisa kusoo bilaabay goolhayaha Juventus ahna Halyeeyga Italy ee Gianluigi Buffon, isaga oo daafaciisana usoo doortay xiddiga kooxda Real Madrid ee Marcelo oo waqti ay kusoo wada qaateen kooxda Real Mardid.

Ozil ayaa khadka dhexe usoo doortay xiddiga khabiirka kooxda Real Madrid ee Luka Modric oo ay isaga soo garab ciyaareen waqtigii Real Madrid.

Xiddiga weerarkiisa ayuu u doortay xiddigaha Rashford iyo Karim Benzema

Benzema iyo Ozil ayaa isaga soo garab ciyaaray weerarka kooxda Real Madrid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here