Maamulka Premier League oo Shaaciyey Tirada Ciyaartoyda uu Ku Dhacay Korona Fayras isbuucan

0
300

Man United (Idaacadda Waamo) Maamulka horyaalka Premier League dalka england ayaa shaaciyey kiisaska xanuunka Korona Fayraska ee toddobaadkan laga diiwaangeliyey horyaalka, taas oo muujisay sare u kac aad u sarreeya oo dhanka Korana Fayras ah.

War-saxaafadeed uu Premier League soo saaray xalay ayaa lagu sheegay in 1,207 ciyaartoy iyo shaqaale ah ay ka baadheen xanuunka Korana Fayras isbuucii ugu dambeeyey ee kasoo bilowday November 9 illaa November 15, isla markaana ay soo baxday natiijo werwer leh oo muujinaysa inay sare u kaceen tirada ciyaartoyda uu ku dhacay xanuunka Korana Fayras.

Natiijada baaritaannadii toddobaadkii hore ayaa ahayd in 10 qof oo ciyaartoy iyo shaqaale iskugu jiray uu ku dhacay xanuunka, balse isbuucan ugu dambeeyey ayay tiradaasi si weyn sare ugu kacday, waxaanay gaaray 16 qof oo ciyaartoy iyo shaqaale ka kooban, balse waxa suurtogal ah in tiradan aan lagu darin ciyaartoydoodii xalay la xaqiijiyey in laga helay.

Xaaladdan walwalka leh oo imanaysa xilli ciyaartooyo badan ay ku maqan yihiin waddamadooda oo ay usoo ciyaarayaan, ayaa waxa la filayaa in maalmaha soo socda baaritaano intaan ka badan la samayn doono, lagana yaabo in kiisasku kasii bataan sidii hore .

Kiiskii ugu dambeeyey ee laga diiwaangeliyey horyaalka Premier League ayaa noqday Laacibka Arsenal ee Mohamed Elneney oo waddanka Masar ku sugan, halkaasna karantiilay ku galay.Mohamed Elneny - Wikipedia

28 jirkan ayuu wakiilkiisa Alan Nazmy barta twitterka ku xaqiijiyey in xanuunkani uu ku dhacay: “Elneney waxa laga helay Cov19, bogsasho deg deg ah ayaan kuu rajaynayaa.”

Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ayaa isaguna ku sugan waddanka Masar iyadoo uu xanuunkani ku dhacay,RASMI: Mohamed Salah oo lagu daray 23-ka xiddig ee xulka qaranka Masar uga qeyb galaya Koobka Adduunka 2018 | Hadalsame Media

halka difaaca midig ee Tottenham ee Matt Doherty uu isaguna xanuunkan kasoo qaaday xilli uu waddankiisa Republic of Ireland kala qayb-gelayay kulamada caalamiga ah.

Republic of Ireland: Matt Doherty and James McClean test positive for Covid-19 - BBC Sport

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here