Wasaaradda Tamarta, macdanta iyo biyaha Jubbaland oo Kismaayo ku qabatay kulan looga hadlayay helitaanka biya nadiif ah

0
282
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Wasaaradda Macdanta Tamarta iyo Biyaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa kulan la qaadatay qaar ka mid ah shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ka shaqeeya biyaha iyo hay’adaha ka shaqeeya horumarinta adeegyada aas-aaska u ah nolosha bulshada.
Kulanka ayaa u jeedkiisu ahaa sida ay magaalada Kismaayo u heli lahayd biyo ku filan oo nadiiif ah waxaana ka so qayb galay Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Tamarta iyo Biyaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Wasiirka Deegaanka iyo Dalxiiska Jubbaland, Guddoomiyaha Maamulka Degmada Kismaayo iyo Agaasimaha Wasaaradda Qorshaynta Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here