Valencia oo garoonkeeda Mestalla guul weyn kaga gaartay kooxda Real Madrid

0
264

Spain(Idaacadda Waamo)-Valencia ayaa garoonkeeda Mestalla guul weyn kaga gaartay kooxda Real Madrid, kaddib markii ay kaga adkaatay 4-1, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 2-1 ay ku hoggaamineysay kooxda garoonkeeda ku ciyaareysay ee Valencia.

Daqiiqadii 23-aa Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 0-1 ka dhigay Karim Benzema, waxaana goolkan caawiyay Marcelo.

Laakiin daqiiqadii 30-aad kooxda Valencia ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool ka dhigay Carlos Soler, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay barbardhac 1-1 ah.

Daqiiqadii 45-aad kooxda Valencia ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu gool iska dhaliyay Raphael Varane, dheesha ayaana sidaas ku noqotay 2-1.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here