Real Madrid oo guul ka gaartay Inter

0
360

Yurub(Idaacadda Waamo)-Waxaa caawa la ciyaaray ciyaaro aad u xiiso badan ee ka tirsan kulamada saddexaad wareega Group-yada tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan 2020/21.

Kooxda Real Madrid aya guusheeda ugu horeysay olalheeda wareega Group-yada tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan 2020/21, ka gaartay naadiga Inter Milan, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-2.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-1 ay ku hoggaamineysay kooxda Real Madrid.

Daqiiqadii 25-aad kooxda Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay Karim Benzema.

33 daqiiqo marka ay aheyd dheesha Real Madrid ayaa la timid gool labaad, waxaana 2-0 ka dhigay Sergio Ramos, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Toni Kroos.

Laakiin daqiiqadii 35-aad Inter Milan ayaa dhalisay gool Lautaro Martinez ayaana ka dhigay 2-1, waxaana goolkan si qurux badan kaga caawiyay saaxiibkiis Nicolo Barella.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here