Tababar Aqoon kororsi ah oo loo qabtay Xildhibaannada Jubbaland

0
302
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Xildhibaannada Baarlamaaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa waxaa maanta u furmay aqoon kororsi ku saabsan matalaadda Xildhibaanka, la xisaabtanka xukuumadda iyo habka xeer dajinta.
Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP) ayaa tababarkan oo soconaya muddo afar maalin ah u qabanaya xildhibaannada baarlamaanka Jubaland.
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Jubaland, Cabdi Maxameed Cabdiraxmaan oo furay tababarka ayaa sheegay in Baarlamaanka ay baranayaan  shaqada uu leeyahay Xildhibaanka.
Hay’adda UNDP ee QM ayaa tababarro xirfaddooda kor loogu qaadayo waxay siisaa Baarlamaanka Maamul Goaleedyada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here