Tababare Zidane Oo Kula Ballamay Ciyaartoydiisa Iney Guuleystaan 11-ka Kulan Ee Haray La Liga

0
440

Tababare Zinedine Zidane ayaa tartan adag dul dhigay ciyaartoydiisa kadib kusoo laabashadiisa Real Madrid, wuxuuna doonayaa iney gabi ahaan wada guuleystaan 11-ka kulan ee kaga haray La Liga fasal ciyaareedkaan.

Zidane imaatinkiisa wuxuu badali doonaa jawiga guud oodhan, xitaa iyadoo u muuqata iney yar tahay saameynta uu sameyn karo hadana wuxuu rajeynayaa iney ciyaartoydiisa bixiyaan falcelin aad u fiican oo saameyn leh.

Macalinka reer France ayaa badalay dhigiisa reer Argentina isniintii lasoo dhaafay kadib markii Los Blancos ay la kulantay natiijooyin niyad jab ah, waxeyna kooxda isaga hartay Copa del Rey iyo sidoo kale Champions League – waxaana u dheer intaas iney quus ka joogaan La Liga maadaama ay 12-dhibcood ka dambeeyaan Barcelona.

“Ma dhihi karo waxaan ku guuleysan karnaa La Liga, balse wa inaan isku dayno inaan guuleysano 11-ka kulan ee haray” ayuu yiri Zidane.

Hamiga ugu weyn ee Madrid waa iney ku dhameystaan kaalinta labaad ee horyaalka iyagoo isku dayi doona iney cadaadiyaan Atletico Madrid oo kaliya 5-dhibcood ka sarreysa.

Tani waxey dib u xasuusineysaa qof walba fasal ciyaareedkii 2015/2016, waxeyna aheyd markii ugu horreysay uu yimid Zidane, isbuuca 27-aad waxey Real Madrid ka hooseysay Barcelona 12-dhibcood, balse wuxuu horyaalka dhamaaday ayagoo 1-dhibic kaliya ka dambeeya.

Barcelona ayaana horyaalka hanatay maalintii ugu dambeysay, balse Real Madrid waxey so bandhigtay dagaalkii iyo ruuxiyadii uu doonayay Zidane, hadana mar kale ayuu donayaa iney sidoo kale sameeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here