Gunners iyo Foxes oo koox waliba ay guul u baahan tahay si ay u nooleyso rajadeeda afarta sare ee Premier League

0
270

London(Idaacadda Waamo)-Labo ka mid ah Kooxaha afarta sare rajada ka leh ayaa wada ciyaari doona caawa, marka ay Arsenal garoonkeeda Emirates ku soo dhoweynayso  Leicester City.

Labada kooxood ayaa guulo soo gaaray Jimcihii tartanka Europa League, laakiin waxaa kaga horreeyey guuldarrooyin ay kala kulmeen Manchester City iyo Aston Villa kulammadoodii ugu dambeeyey ee horyaalka Premier League.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Taariikhda: Axad 25 Okt 2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 10:15 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Emirates Stadium

Garsooraha: Craig Pawson (England)

Wararka Kooxaha:-

Arsenal ayaa qiimeyn doonta xaaladda Willian iyo Dani Ceballos, kuwaasoo dhaawacyo kaga maqnaa kulankii Rapid Vienna, halka Rob Holding uu la maqan yahay kulankan dhaawac muruqa ah.

Mesut Ozil iyo Sokratis ayaan lagu soo darin xiddigaha ay Gunners u xulatay inay kal ciyaareedkan uga qeyb-galaan horyaalka Premier League, laakiin Thomas Partey ayaa ku soo bilaaban kara kulankiisii ugu horreeyey ee ciyaaraha sare ee Ingiriiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here