Kulan Ciyaareed Lagu Maamusayay Muhiimada  ay Nabaddu leedahay oo Kismaayo Lagu Qabtay

0
295

Kismaayo-(Idaacadda Kulan  Ciyaareedkan Oo ahaa Mid xiiso leh ayaa Galabnimaadii Shalay Kaqabsoomay Garoonka Kubada Cagta Ee Waamo Stadiom Ee Magaalada Kismaayo  Waxaana Qabashada kulanka  iska kaashaday wasaaradda Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Iyo Wasaaaradda Arimaha Gudaha Iyo Dowladaha Hoose Ee Jubbaland  Waxaa uu ahaa kulan loogu magacdaray Kulanka Nabadda

Kooxaha Iftin iyo shaqaalaha oo kamid ah Kooxaha Kaciyaaro Tartanka Heerka Labaad Ee Degmada Kismaayo ayay udhaxeysay ciyaartaan  Waxaana Ciyaartaas ay kusoo dhamaatay 3-1 Oo Ay  Guusha ku raacday kooxda iftin sidaasna ku qaaday koobki lagu Maamusayay Muhiimada ay Nabad Uleedahay Dadka Deegaanka.

Iidle Aadan Maxamed,ayaa warbixintan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here