Muxuu ka yiri tababare Solskjær kaddib rikoodhkiisii taariikhiga ahaa aan horey loo arag ee kooxda Man United?

0
331

Paris(Idaacadda Waamo)-Tababaraha Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær ayaa guul cusub ku hoggaamiyay kooxdiisa kulankii xalay ka dhacay garoonka Parc des Princes ee ay kaga adkaadeen naadiga Paris Saint-Germain tartanka Champions League.

Manchester United ayaa guul muhiim ah ka gaartay kooxda Paris Saint-Germain, kulankii la wada sugayay, kaddib markii ay kaga adkaatay 1-2, waxaana goolasha u kala dhaliyay Bruno Fernandes iyo Marcus Rashford.

Guushii ay xalay ka gaartay Manchester United kooxda PSG ayaa kor u qaaday guulaheedii isdaba jooga ahaa oo ay ku gaartay meel ka baxsan garoonkeeda tartamada oo dhan, taasoo ahayd guusheedii 10-aad oo xiriir ah, waana rikoodh markii ugu horreysay taariikhda ay gaartay Red Devils.

Wargeyska “Express” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Tababaraha Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær, waxaana uu yiri:

“Markaad meel ka baxsan garoonkaada kula ciyaareyso koox sida Paris oo kale ah, oo heysata xiddigaha sida Neymar iyo Mbappé waa inaad si fiican u difaacdaa, goolhaayahaada waa inuu si fiican kuu badbaadiyaa”.

“Bruno Fernandes wuxuu lumiyay labo rigoore oo isku xigta, laakiin ma joojin doono inuu tuuro, wuxuu muujiyay shaqsiyadiisa”.

Marka la is barbardhigo guushan iyo guusha uu tababare Solskjær gaaray in ka badan sanad kahor wareega siddeeda ee tartanka Champions League xilli ciyaareedkii 2018/2019, macalinka reer Norway ayaa yiri:

“Dareenka waa ka duwan yahay waqtigii ugu dambeeyay ee aan halkaan ku guuleysanay, tani waa bilowgii wareega group-yada, waxaana ka adkaanay koox cajiib ah”.

“Markii ugu dambeysay waxay ahayd ciyaar bug-bax ah, jawiguna wuxuu ahaa mid xamaasad leh, ciyaarta maanta waxay ahayd taageero la’aan, laakiin wali wey fiicneyd oo waxaan u qalanay inaan guuleysano”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here