FAO oo Ka Digtay Ayax Mar Kale Ku Soo Fool Leh Soomaaliya

0
321

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Hey’adda FAO ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Beeraha iyo Cunada ayaa ka digtay Ayax hor leh oo Soomaaliya ku wajahan,xilli ay dalka ka bilowdeen roobab wanaagsan oo lagu diirsaday.

Xafiiska FAO ee Soomaaliya ayaa sheegay in Ayax ka imaanaya dhanka Badda Cas uu ku fool leeyahay Soomaaliya gaar ahaan gobolada Bari .

Ayaxa ayaa FAO tilmaantay in uu ka soo guuray dhanka dalka Yemen waxaana saameyntiisa ay noqon doontaa mid xoog leh .

Inkastoo, dagaal lagula jiro Ayaxa ayaa haddana waxaa hey’addu sheegtay in arintu cuslaan karto hadii Ayaxaasi geediga ah uu Soomaaliya sal dhigto.

Ayax ka yimi dhanka Itoobiya oo dhulka Beeraha iyo daaqsiga diiray ayaa lagu arkay Soomaaliland,iyadoo sidoo kale qeybo ka mid ah Puntland iyo Galmudug ayuu Ayaxu weerar ku hayaa, waxaana dhici karta in uu u gudbo dhanka gobolada koonfureed ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here