RASMI: UEFA Oo Go,aan Ka Gaadhay Cristaino Ronaldo Kadib Dabaal Degii Akhlaaq Darada Ahaa Ee Uu Sameeyay Kulankii Atletico Madrid.

0
772

Xiriirka kubada cagta yurub ee UEFA ayaa go,aan Rasmi ah ka gaadhay Cristiano Ronaldo kadib markii uu arin Akhlaaq daro ah ku kacay kadib dhamaadkii kulankii ay Juventus guusha 3/0 ah ka gaadhay kooxda Atletico Madrid tartanka champions League.

Waxa si weyn la iskula dhex maryay ama loo filayay in uu Cristiano Ronaldo la kulmi doono ganaax kadib dabaal degii uu sameeyay kulankii Atletico Madrid.

Sida laga soo xigtay wargayska CalcioMercato, UEFA ayaa go,aansatay in ayna wax baadhitaan ah ku furin Cristiano Ronaldo oo uuna wakhatar ugu jirin wax ganaax ah.

UEFA ayaa isla dhaqankaas uu Ronaldo sameeyay ganaax lacageed dusha uga saartay tababaraha kooxda Atletico Madrid ee Diego Simeone.

Laakiin UEFA yaa xaqiijisay haatan in aan Ronaldo lagu bilaabi doonin wax baadhitaan ah sidaas darteed uuna Xiddiga reer Portugal khatar ugu jirin ganaax kulan ah kulamada soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here