Maalinta Boostada Aduunka oo Dunida laga xusayo

0
370

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Maalinta Boostada Adduunka ayaa sanad kasta loo dabaaldegaa 9-ka Oktoobar, waana sanad-guuradii la aasaasay Ururka Boostada Caalamiga ee Sannadkii 1874-kii oo lagu qabtay Caasimadda Switzerland, Bern.

Waxaa lagu dhawaaqay Maalinta Boostada Adduunka Shirweynihii UPU ee lagu qabtay Tokyo,Japan 1969,Tan iyo markaas, waddamada adduunka ayaa sannad kasta ka qayb gala dabaaldegyada.

Boostada dalal badan ayaa munaasabadda u adeegsada inay ku soo bandhigaan ama ku dhiirrigeliyaan wax soo saarka iyo adeegyada boostada cusub.

Sannadkii 2015 waddammada adduunka oo dhan waxay isku xilqaameen inay ka wada shaqeeyaan sidii loo gaari lahaa Yoolalka Horumarka Waara, oo ujeeddadiisu tahay in la soo afjaro saboolnimada ba’an iyo gaajada, lala dagaallamo sinnaan la’aanta iyo caddaalad darrada, iyo in la qaado tallaabo wax looga beddelayo isbeddelka cimilada.

Boostooyinka waxay bixiyaan adeegyo bulsho iyo maaliyadeed oo muhiim ah inta lagu jiro aafada iyo wixii ka baxsan

Iyada oo shabakad ka kooban in ka badan 650,000 xafiisyo iyo 5.3 milyan oo shaqaale caalami ah, iyo waajibaadka adeegga dadweynaha ee dowlado badan, Boostadu waa mid aan lala simin awooddeeda ay ku gaarsiineyso adeegyada qof walba, meel kasta.

Maaddaama COVID-19 uu ku faafo sida dabka, waxay wadaan Qorsha yaal cusub oo dhinaca boostada waxaa ay soo bandhigayaan habab cusub oo hal abuur leh si ay u sii socdaan boostada.

Boostada ayaa u istaagtay inay bixiso wax kasta oo ka imanaya gaarsiinta qalabka muhiimka iyo ilaalinta, xirmooyinka baaritaanka iyo daawooyinka, iyo hubinta carruurta inay helaan agabkooda waxbarasho si ay uga sii wataan waxbarashadooda guriga.

Iidle Aadan Maxamed,ayaa warbixintan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here