Wafdi ka socday Wasaaradda Gaadiidka & Duulista hawada XFS oo Kismaayo soo gaadhay

0
309

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Wafdi uu hogaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya ayaa Maanta soo gaaray Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo waxaana Wafdigaan  Qayb ka ah maareeyaha Guud hay’da duulista Rayidka iyo maareeyaha Garoonka muqdisho.

Wafdiga waxaa Garoonka Diyaaraha kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin uu kamid yahay wasiirka wasaaradda Gadiidka Jubbaland iyo maamulka garoonka Diyaaraha Kismaayo imaatinka wafdiga ayaa ahayd in magalada Kismaayo ay Soo Gaarsiiyaan Qalab Loogu talo galay in Lagu Hormariyo Howlaha Garoonka Gaar Ahaan Dhanka Hagista Diyaaradaha.

Iidle Aadan Maxamed,ayaa warbixintan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here