Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Koonfur-galbeed oo la dhagax dhigay

0
343

Baydhabo(Idaacadda Waamo)-Sii hayaha Wasiiru Doowlaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Fedeaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri ayaa maanta magaalada Baydhabo ka dhagax dhigay dhismaha Xafiisyada Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhagax dhiga dhismaha xafiisyada xarunta Wasaaradda Waxbarashada doowlad Goboleedka Koonfur galbeed waxaa goob joog ka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada mudane Axmed Xasan Yuusuf, madaxda Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed.

Wasiirka Waxbarashada Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in ahmiyad gaar ah ay u leedahay dhismaha xarunta Wasaaradda oo uu ku tlmaamay inay ku shaqeyn doonaan howlwadeenada Wasaaradda Waxbarashada Koonfur Galbeed.

Wasiiru Doowalaha Wasaaradda Waxbarashada ayaa sheegay in dhismaha Xafiisyada Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay muhiim u tahay horumarinta Waxabarashada.

“Waxaan maanta ka dhagax dhigay magaalada Baydhabo dhismaha Xafiisyada Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaan ku faraxsanay in waxbarashadu ay hesho xafiisyo muhiim ah oo loogu shaqeeyo Waxabarashada”.ayuu yiri Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here