Madaxweynaha Jubbaland oo furay kal-fadhiga seddaxaad ee Baarlamaanka Jubbaland

0
264

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Ugu horayn Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada uga warbixiyay Xaalada Jubaland isagoo sheegay in mudo hal sano ah ay kasoo wareegtay Markii dib loo doortay sababta uu ilaa hada Xukuumada usoo dhisi la’yahayna ay tahay in uu raadinayo Midnimo iyo wadajir Jubaland oo dhan ah taas oo ilaa hada guulo la taaban karo laga gaaray.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in hada wixii ka danbeeya uu soo dhisi doono Xukuumad tayo leh oo ka dhabaysa himilooyinka Shacabka iyo filashada ay ka qaban Dowladooda.

Iidle Aadan Maxamed,ayaa warbixintan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here