Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Gobalka Jubbada hoose waxaa uu caan ku yahay ciyaarta kubbada cagta, waxaa magaalada kismaayo ka dhisan kooxo kala duwan kuwaas oo muujiyey is dhaxgalka dhanka bulshada ah.
Xiriirka kubbada cagta Jubbaland ayaa waxa uu wayadaan dadaal ku bixinayey shirkado iyo shaqsiyaad la wareega masuuliyada kooxaha ka dhisan Jubbaland.
Hadaba kooxda koban ayaa waxaa masuuliyadeeda la wareegay muwaadin Soomaaliyeed oo reer Jubbaland ah, kaas oo ku sugan dalka Mareykanka.
Fartuun Nuur Aadan ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.