Ku-simaha wasiir ku-xiggeenka Caafimaadka oo tababar ku saabsan hab tabinta COVID-19 u soo xiray Suxufiyiin

0
213

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Tababarkaan oo socday muddo saddax maalin ah ayaa waxaaa bixinayay Guddiga qatarta Qaran ee xariirka iyo howlgalinta bulshada RCC oo wakiil ka tahay save the children.

Casharada la siiinayay suxufiitiinta ayaa isugu jiray hab tabinta wararka la xariira cudurka COVID-19 iyo sidii ay tababaro u siin lahaayeen wariyayaasha kale ee ku sugan xarumahooda.

Cabdirahmaan Maxamed Aadan “Koronto” oo ah madaxa Hey’adda MRC ee Cilmibaarista Horumarinta Warbaahinta oo ka hadlay casharada ay qaateen saxafiyiinta saddaxdii maaalin oo ay joogeen tababarka ayaa ku booriyay inay ku dabaqaan howlaha ay bulshada u hayaan, ayna uga faa’iideeyaan saaxiibadooda kale ee aan fursadda u helin tababarka.

Ku-simaha Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Saciid Cabdullaahi oo tababarka soo xiray ayaa sheegay in gudbinta xogta dhabta ah ee cudurkaan ay muhiimad gaar ah u leedahay bulshada, suxufiyiintana looga baahan yahay door muhim ah inay ka qaataan baahinta xogta COVID-19.

Ku dhawaad 20 ka suxufi oo isuga jira tifaftirayaal iyo wariyeyaal  ayaa ka qeybgalay tababarkaan oo ka kala yimid gobolada dalka, waxaana la filayaa aqoonta ay halkaan ka kororsadeen in ay kula laabtaaan xarumaha warbaahineed oo ay ka kala yimaadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here