Ku-simaha wasiirka ganacsiga XFS oo xafiiskiisa kula kulmay safiirka dawladda Sweden ee Soomaaliya

0
207

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dawladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya Danjire Staffan Tillander oo ay ka wada-hadleen dedaalada socda ee dib loogu habeynayo Ganacsiga Soomaaliya.

Kulankaan oo ay Wasiirka ku wehelinayeen Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Mudane Cabdiqaadir Shariikh Sheekhuna Maye, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan iyo La-taliyeyaasha Wasaaradda, ayaa waxa ay dhinacyadu si gaara iska waraysteen dedaalada lagu horumarinayo ganacsiga, gaar ahaan sidii dawladda Sweden ay Soomaaliya uga taageeri lahayd ku biiri-taanka Ururka Ganacsiga Adduunka.

Mudane Inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo halkaas ka hadlay, ayaa safiirka u sheegay in illaa iyo hadda ay shaqo fiican oo bilow ah ay ka sameyeen ku biiritaanka Ururka Ganacsiga Adduunka, balse dawladda Sweden ay ka taageerto ku biiritaanka Soomaaliya ee Ururkaasi.

Mudane Cabdullaahi Cali Xasan waxa kale oo uu uga waramay shaqooyinka la xiriira dhinaca fududeynta ganacsiga ee ay Wasaaraddu qabatay, gaar ahaan shuruucda, siyaasadaha, dhiiri-gelinta maal-gashiga iyo warshadaha. Isaga oo ugu dambeyna Safiirka iyo dawladda Sweden uga mahadceliyey dedaalkooda ka go’aanshiyaha ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Ambassador Staffan Tillander oo isagu dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu arko in Wasaaraddu ay shaqo fiican oo bilow ah ay ka qabatay arrinta ku biiritaanka Soomaaliya ee Ururka Ganacsiga Adduunka, waxaana uu xusay in kulankani uu sii xoojinayo qorshaha dawladda Sweden ay Soomaaliya kaga taageerayso sidii ay ugu biiri lahayd Ururka Ganacsiga Adduunka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here