Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Dhalinyarada ka shaqaysa Goobaha baabuurta lagu dhaqo ee labaajooyinka Magaalada Kismaayo ayaa ku shaqeeya duruufo adag waxayna cabasho ka muujiyeen dadka ay gaadiidka u dhaqaan oo qaarkood ay kala tagaan lacagtii ay ku shaqeeyeen.
Dhalinyaradaan oo kushaqeeya goobo qorrax ah oo ay adag tahay in qof-ku uu shaqo ku qabto ayaa haddana dadka qaar kala tagaan waxyaabaha ay xaqa u lahaayeen sida ay noo sheegeen qaar ka mid ah dhalinyarada ka shaqaysa baabuur dhaqista iyagoona sheegay in mararka qaar dadka ay gadiidka u dhaqaan ay kala cararaan lacagtii ay ugu shaqeeyen.
Xamdi Maxamed Yaasiin,ayaa warbixintan inooga diyaarisay.