Madaxweynaha JFS oo Khudbad ka hor jeedin doono maanta Golaha Shacabka

0
200

Muqdisho(Idaacadda Waamo)-Xildhibaanada golaha shacabka oo maantoo Arbaco ah ku kulmaya xarunta ay sida KMG ugu shiraan ee Filla Hargeysa ayaa warbixin ka dhagaysan doona madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taas oo uu kaga hadlayo xaaladda dalka.

Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa mudanayaasha golaha shacabka u jeedinaya codsi ku aadan in la ansixyo Ra’iisal wasaaraha magacaabban mudane Maxamed Xuseen Rooble, si uu xukuumad cusub u soo dhiso.

Todobaadka soo socda ayaa sidoo kale la filayaa in fadhi wadajir ah oo ay yeelanayaan golaha shacabka iyo aqalka sare la horkeeno heshiiska siyaasadeed ee doorashada, si ay u meel mariyaan isuguna badalo sharci habraac u noqda geedi socodka doorashada dalku aadayo dhawaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here