Juventus oo shaacisay inay dhameystirtay heshiiska Alvaro Morata

0
215

Turin(Idaacadda Waamo)Kooxda reer Talyaani ee Juventus ayaa si rasmi ah u shaaciay inay dhameystirtay heshiiska weeraryahanka reer Spain Alvaro Morata, kaasoo ka yimid Atletico Madrid.

Juventus ayaa war rasmi ah ay ku daabacday website-keeda waxay ku shaacisay in Alvaro Morata ay kula soo wareegtay heshiis amaah oo xilli ciyaareed ah, iyadoo bixisay qiimo dhan 10 million euros, waxayna si toos ah ugu iibsan kartaa dhamaadka xilli ciyaareedka adduun dhan 45 million euros.

Bayaankan ka soo baxay kooxda Juventus ayaa lagu cadeeyay in Bianconeri ay xaq u leedahay in Alvaro Morata ay u kordhin karto heshiiska amaahda ah xilli ciyaareed kale iyadoo bixin doonta markale qiimo dhan 10 million euros.

Haddii Juventus ay dooneyso inay si toos u wada iibsato Alvaro Morata kaddib dhamaadka xilli ciyaareedka 2021/2022, waxaa laga doonayaa inay bixiso adduun dhan 35 million euros.

Waxaa xusid mudan in Alvaro Morata uu ka soo ciyaaray safka kooxda Juventus hadda kahor, mudo labo sano ah intii u dhexeysay 2014 iyo 2016.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here