Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kulankan ay qabatay Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboledka Jubbaland oo socan doona mudo saddex cisho ah ayaa looga hadlayaa xaaladaha Caafimaad ee dalka gaar ahaan heerarka kala duwan ee Jubbaland.
Kulanka Maanta intii uu socday ayaa looga doodayay sida ugu fudud ee lagu helikaro adeegyada Caafimaad ee dag-daga ah waxaana goob joog ka ahaa, Mas’uuliyiin ka kala socday Wasaaradda Caafimaadka ee dowlada fedaraalka Soomaaliya,Hay’adda UNISE iyo mas’uuliyiin kale , waxaa sidoo kale ka soo qayb galay xubno ka kala socday xarumha Caafimaadka Magaalada Kismaayo.
Xamdi Maxamed Yaasiin,ayaa warbixintan inooga diyaarisay.