England (Idaacadda Waamo)- Kooxda Liverpool ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa Alcantara kaasi oo ay kala wareegeen kooxda Bayern Munich
Qadkaan dhexe reer Spain ayaa qalinka ku duugay hishiis muddo Fog ah , wuxuu noqonayaa saxiixa labaad ee Liverpool ee xagaagaan ka dib hishiiskii Kostas Tsimikas.
wuxuu yiri ” Waa dareen aad u qurxoon, in aan Liverpool u soo wareego muddo ayaan sugaayay , aad ayaan ugu faraxsanahay in aan Liverpool imid ”
Xidiga Alcantara ayaa Kooxda Liverpool ugu soo wareegay qiimo lacageed dhan 25 milyan oo uero