Real Madrid iyo Barcelona ayaa isku Heysto Xiddig Ka Ciyaara Horyaalka Italia.

0
273

Italia(Idaacadda Waamo)- Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo Waramayaa in ay Barcelona kula biirtay Tartanka Lagu Doonayo Saxiixa Xiddiga Weerarka uga ciyaara Inter Milan ee Lautaro Martinez.

Xiddigan u Dhashay Dalka Argentine ayaa Si Weyn Loola Xiriirinayaa Kooxda Barcelona Bilihii ugu Dambeeyay inkasta oo Wararkii ugu Dambeeyay Sheegayaan in ay Barcelona Ku Dhawdahay xiddiga.

Sabab La Xiriira Xaalada Dhaqaale Xumo Kooxda uu Hogaamiyo Tababare Ronald Koeman ayaa Diidan in ay Bixiyaan Lacagta 111 Milyan ee Lagu Bur-burin Karo Heshiiska Xiddiga xilli ay Barcelona isku Diyaarinayso Bixitaanka Luis Suarez.

Si kasta ha ahaatee wargayska Sport Mediaset ayaa sheegaya in ay kooxda Real Madrid ku biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga weerarka ugu Ciyaara Kooxda Inter Milan.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Real Madrid Inter Milan miiska u saartay lacag dhan 92 milyan oo euro iyo waliba xiddiga Luka Jovic.El Real Madrid tiene un acuerdo cerrado con el Inter para el fichaje de Lautaro  Martínez - Objetivo Cádiz

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here