Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Gadiidkan ay maanta Hay’adda GIZ ku wareeyisay Wasaaradda Macdanta,Tamarta iyo Biyaha Jubbaland ayaa ka koobnaa afar Booyadood oo ah nooca Biyaha lagu dhaamiyo.
Booyadahaan ayaa loogu talo galay in ay wax ka qabtaan baahida dhinaca biyaha ee haysata dadka ku nool Magaalada Kismaayo,Gaar ahaan dadka ku dagan xaafadaha Midnimo iyo Madiino oo ay haysato biyo yari .
Xamdi Maxamed Yaasiin,ayaa warbixintan inooga diyaarisay.