Qurba-joogta Jabuuti oo mashaariic horumarineed ka fulinaysa dalkooda

0
252

Djibouti -(Waamo)- Maal-qabeenada reer Jabuuti ee mudada dheer ku noolaa qurbaha ayaa haatan dalkooda dib ugu soo laabanaya, islamarkaana maalgashi baaxad leh ku samaynaya
Yaasiin Cawleed Faarax oo muddo dheer ku noolaa dalka Canada ayaa mashruuc baaxad leh oo dhismaha guryaha ah ka hirgaliyey deegaanka Lagaara oo 4-km u jira caasimadda Jabuuti, halkaas oo uu ka dhisay ilaa 300-oo guri.

Dawladda Jabuuti ayaa siisay dhulka mashruucan oo wali socda laga fuliyey, si loo dhiiri galiyo maalgashiga, waxaana haatan socda dhamaystirka wajiga 1-aad ee mashruuca oo guryo deegaan ah ay ka helayaan qurba joogta dalka ku soo laabanaysa iyo bulshada maxaliga ah.

Yaasiin Cawleed ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in mashruucan uu ku dhiiraday ka dib markii uu arkay qurba joogta Jabuuti iyo Soomaaliya oo guryo ka dhisanaya ama ka gadanaya dalaka Yurub, Canada iyo bariga Afrika, taas oo ay uga wacnaan lahayd inay dalkooda maalgashadaan.

Sidoo kale qurba joogta Jabuuti ku soo laabtay waxay maalgashi ku sameeyeen dhinacyada beeraha, kalluunka iyo dalxiiska, taas oo kordhisay shaqo abuurka iyo horumarka Jabuuti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here