Dhoobleey(Idaacadda Waamo)-Burburkii dalka ka dhacay 1991 waxaa ay umada Soomaaliyeed ka dhaxleen dhibaatooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin barakac iyo dad badan oo dalka ka qaxay, una hayaameen wadamada dariska la ah Soomaaliya sida dalka Kenya oo hada wali ay qaxooti ku yihiin ku dhawaad nus milyan qaxooti soomaliyeeda ah.
Deegaanka dhoobley ee gobolka Jubbada hoose oo xuduud la leh dalka Kenya waxaa ku nool dad badan oo danyar ah, kuwaas oo isugu jira kuwo kasoo laabtay xeryaha qaxootiga Dhadaab iyo kuwa ku barakacay gudaha dalka.
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.