Maamulka Degmada Afmadoow oo codsaday in laga caawiyo dayactirka Kawaanka Hilibka ee Magaaladaas

0
324

Afmadoow(Idaacadda Waamo)Kawaanka Hilibka lagu iibiyo dagmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose oo markii hore ahaa mid saxmad badan  ayaa tan iyo markii uu bilowday caabuqa Covid19, waxaa uu isku badalay  mid inta badan aysan dadku wax ka iibsan madaama cabsi badan laga qabay faafitaanka cudurkaas.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Afmadow Cali Sheekh Cumar oo kormeeray Kawaanka ayaa sheegay in uu dayac badan kajiro Kawaanka, uuna saamayn ku yeeshay caabuqa Covid19,waxaa uuna Hay’adaha ka codsaday in ay ka caawiyaan sidii Kawaanka dib u dhis loogu samaayn lahaa.
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here