Jakarta-(Idaacadda Waamo)-Magaalada Jakarta oo caasimad u ah wadanka Indonesia ayaa dib loogu celiyay xayiraadihii saarnaa.
Arintan ayaa ka danbeesay kadib markii lasheegay in ay kordheen kiisaska xanuunka Karona ee halkaasi laga diiwaan galiyay.
Wadamo badan oo dunida kamid ah ayay kusii kordhayaan kiisaska xanuunka iyadoona sadaxda wadan ee ugu daran waqti xaadirkan ay kala yihiin Mareykanka, Hindiya iyo Brazil.
Kiisaska laga diiwaan galiyay dunida oo idil waxa ay ku dhawyihiin 28 milyan halka dhimashadu dhaaftay 900,000 oo ruux sidoo kale dadka xanuunkan ka bogsaday dunida oo idil ka badan 18.6 milyan oo ruux