England -(Idaacadda Waamo) Kooxda Reer England ee Everton ayaa Lasoo Saxiixatay Kubad Sameeyaha Xulka Qaranka Reer Colombia ee James Rodriguez Kaas oo ay Kala Soo wareegeen kooxda Real Madrid.
James Rodriguez ayaa Everton u saxiixay heshiis 2-Sano ah iyo 1-Sano oo dookh ah oo uu ku sii joogi doono kooxda ka ciyaarta premier League.
James Rodriguez oo Real Madrid kala soo shaqeeyay Carlo Ancelotti ayaa mar kale kula soo biiray kooxda Everton kadib markii uu isaga tagay kooxda Los Blancos.
“Run ahaantii aad ayaan u faraxsanahay in aan ku soo biiray kooxdan weyn”ayuu James Rodriguez.
Xiddiga khadka dhexe ayaa isaga tagay Real Madrid kadib markii uu ku dhibaatooday in uu kulamada u ciyaaro xilli ciyaareedkii hore.
Xiddiga Khadka Dhexe ee James Rodriguez ayaanan La Xaqiijinin Lacagta uu Kaga Dhaqaaqo kooxda uu kasoo tagay ee Real madrid
Xiddiga James Rodriguez ayaa Kooxdiiisa Cusub ee Everton ayaa Uxiran Doono Lambarka 19-aad ee Kooxda Everton