Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Shirkan oo ay qabatay Wasaaradda qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Jubbaland ayaa diiradda lagu saarayay dib u egista mashruuc horay uga socday Jubbaland iyo guud ahaan Soomaaliya oo loogu magac daray mashruuca siyaasadda loo dhanyahay qaybtiisa Jubbaland.
Mashruuca siyaasada loodhanyahay ayaa waxaa horay 2018 Jubbaland uga daah-furay Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre.
Mashruucaan ayaa waxaa ku midaysan wasaaradaha Beeraha,xanaanada Xoolaha,Kaluumaysiga ,Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Wasaaradda Haweenka Xuquuqul insaanka iyo Arrimaha qoyska.
Shirka ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka socday Wasaaradaha kala duwan ee Jubbaland iyo Xaafiiska midowga yurub ee mashaaricdan u qaabilsan Wasaaradda qorshaynta qaranka Soomaaliya.