Muqdisho oo lagu soo gabo-gabeeyay Koob kubadda Cagta ah oo ay cayaareen dhammaan hey’adaha Dowladda

0
284

Muqdisho(Idaacadda Waamo)Waxaa galabta magaaladda Muqdisho lagu soo gabo-gabeeyay Koob kubadda Cagta ah oo ay cayaareen dhamaan hey’adaha kala duwan ee Dowladda Federal ka Soomaaliya.

Koobkaan oo galabta la cayaaray kulankiisii kama dambeynta ahaa ayaa waxaa uu dhex maray Wasaaradda Amniga gudaha XFS  iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Cayaartooyda Wasaaradda Amniga ayaa ku guuleystay Koobka kadib markii ay 3-2 kaga adkaatay Kooxdii Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Gabo-gabadii cayaarta kadib Munaasabad kooban oo lagu qabtay garoonkii ay cayaartu ka dhacday ayaa waxaa bilado iyo haddiyado qaali ah la gudoonsiiyay Cayaartooyda iyo Maamulkii soo abaabulay koobka hey’adaha Dowladda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here