Madaxweyne Galmudug oo Magacaabay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Galmudug

0
401

Dhuusamareeb-(Idaacadda Waamo)-Markuu arkay Qod:6aad ee dastuurka DGM ee qeexaya sarreynta sharciga.
Markuu arkay: Qod.18aad ee dastuurka DGM ee qeexaya dhawrista xaquuqda eedeysanaha.

Markuu arkay: Qod:46 ee qeexaya awoodaha madaxweynaha.
Markuu arkay: Qod:60aad,61aad iyo 62aad ee dastuurka DGM ee xeerinaya garsoorka Galmudug.

Markuu helay soojeedinta: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee DGM

Markuu garowsday: baahida deg deg ah ee loo qabo dhisidda hay’adda xeer ilaalinta ee DGM

Markuu la tashaday: madaxweyne ku xigeenka DGM

Wuxuu soo saaray xeerkaan:

Qodobka 1aad

Waxaa loo magacaabay Mudane: Cabdicasiis Nuur Xuseen Xeer ilaaliyaha guud ee DGM
Qodobka 2aad

Xeerkan wuxuu dhaqangalayaa marka uu madaxweynuhu saxiixo waana saxiixay.Image may contain: 1 person

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here