England-(Idaacadda Waamo) Kooxda Chelsea ayaa Daafaca Ben Chilwell unoqday Saxiixii 3-aad ee Suuqa Xagaaga Ka Samesyay Iyadoona Si Rasmi ah Kooxda Chelsea ugu Dhawaaqday Saxiixiisa.
Ben Chilwell ayaa Qalinka Ku Duugay Heshiis 5-Sano ah oo uu Ku Joogi Doono Kooxda Ka Ciyaarta Horyaalka England isaga oo ugu Dambayn yimid Kooxda Chelsea.
Xidiga Ben Chilwell ayaa yiri “Aad ayaan ugu Faraxsanahay in aan Kusoo Biiray Chelsea, Waa Koox Xiiso Leh, Waxa aan Sugi La`ahay in aan Ka Qayb Noqdo Kooxda Chelsea ee uu Hogaamiyo Tababare Frank Lampard”.
Chilwell ayaa Qaab Ciyaareed Cajiib ah Soo Bandhigay Xilli Ciyaareedkii Dhamaaday isaga oo Kooxdiisa Leicester City Ka Caawiyay in ay Ku Dhamaysto Kaalinta 5-aad ee Kala Sareynta Horyaalka Premier League ee England.


