Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Jubbaland oo Daah-furay qorshaha Dhismaha Goloyaasha Deegaanka Jubbaland

0
292
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Magaalada Kismaayo ayaa maanta lagu qabtay munaasabad Balaaran oo ay kasoo qayb galeen mas’uuliyiin uu hogaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan xubno katirsan labada gole ee Dowladda Odoyaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Ururada Bulshada kadhisan Magaalada Kismaayo.
Munaasabadan ayaa looga Gol lahaa furitaanka Dhismaha Goloyaasha Degmooyinka Jubbaland oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowlaha Hoose ee Jubbaland Waxaana mashruucan laga bilaabi donaa Degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here