RASMI :- UEFA oo Saartay Shaxda Kooxdii Xili Ciyaareedkan ugu Fiicnayd Champions League

0
402

Champions League-(Idaacadda Waamo) Xiriirka Kubbada Cagta yurub ee UEFA ayaa Si Rasmi ah u Soo Saartay Shaxda Kooxdii ugu Fiicnayd Tartanka Champions League oo 24 Saacadood Kahor ay Kooxda Bayern Munich Ku Guulaysatay Kadib Markii ay Garaacday Kooxda PSG.

UEFA ayaa Soo Saartay Shaxda 11-kii Xidig ee ugu Fiicnaa Xili Ciyaareedkan Tartanka Champions League ee Dhibcaha ugu Badan Looga Helay Fantasy Football.

Dhibcihii Ciyaartoydii ugu Shaqada Fiicnaa Xili Ciyaareedkan Looga Soo Helay Fantasy Football ayay UEFA u aqoonsatay Kuwii ugu Fiicnaa Tartankan yurub ee Champions League.

Saddex Ciyaartoy oo kaliya oo aan Ka tirsanayn Bayern Munich iyo PSG ayaa Shaxdan Kasoo Muuqday Waxayna Kala yihiin Raheem Sterling (Man City) Marcel Sabitzer (RB Leipzig) iyo Erling Braut Haaland (Borussia Dortmund )

Bayern Munich oo Koobka Champions League Ku Guulaysatay ayaa Shaxda Kooxda ugu badan Ku Leh Shaxcdan Waxaa ugu Jira 4-Ciyaartoy Laakiin Kooxda Finalka Gaartay ee PSG ayaa Sidoo Kale 4-Ciyaartoy Shaxdan Ku yeelatay.

Goolhayaha Kooxda Bayern Munich ee Manuel Neuer oo Shaqo Wacan Soo Qabtay ayaa Goolka Loosoo Doortay Shaxda Kooxdii Xili ciyaareedkan ugu Fiicnayd Tartanka Champions League.Image

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here